Translate

Tuesday, 8 September 2015

Maxaa u Diiday Soomaaliya in ay hesho Dowlad Wanaagsan oo Waajibkeeda kasoo Dhalaasha?

Labo Arimood oo waawayn oo iskaashaday ayaa nooga horgudban Maamul wanaaga.
Sanadkii 1991 waxaa dumahay haykalkii dowladnimo ee soomaaliya dalkuna wuxuu galay Fowdo iyo burbur, inkasta oo dadka qaar ay arintaas waxka saaraan xukunkii kaligii taliska ahaa, hase yeeshee kadar oo dibi dhal.
inka badan 16 shir siyaasadeed ayaa hogaamiyaasha soomaalida loogu qabtay dalal shisheeye ugu yaraan 4 dowladood iyo maamulo kale ayaa dalka dibadiisa lagusoo dhisay hase yeeshee dhamaantood fashil ayay ku dhamaadeen.
Balse 10 / Sebtember / 2012 ayaa dalka gudihiisa lagu dhisay dowlad waliba loogu wanqalay Dowlad Rasmi ah rayn rayn iyo farxad ayaa lagusoo dhaweeyay, kadaroo dibi dhal.......
aqriste yaanan ararta kugu badine marka aan iskusoo wada duubo sababaha ay dowladahaasi u hirgaliwaayeen waxaa ugu weyn laba arimood.
1. shisheeyaha ka danta ah oo aan rabin in soomaaliya ay ka dhalato dowlad rasmi ah.
2. Madaxda Soomaalida oo midba markuu fuulo kursiga ku dadaala sidii uu jeebka u buuxsan 
     lahaa.
qodobka hore waa midka ugu culus oo shisheeyuhu isku dan kama ahan arimaha iyo masiirka Soomaaliya taasna waxay keentay in dalba uu markuu tiisa ka waayo maamulka dhisan uu kasoo horjeesto isagoo adeegsanaya dabadhilifyo iimaan laawe yaal ah halkaasna uu maamulkii dhisnaa ku burburo.
Qodobka kale waakan reeba saamaynta ugu daran maxaa yeelay qof walba wuxuu arkayaa ninkii kursiga koraba in uu daamanka buuxsanayao taasna ay dhasho in qof walba uu ku fekero xilkasta oo uu qabto in uu Khayaano amaanada iyo hantida umada.
labadaas qodob oo faracyo aykasii baxaan  ayaa u sabab ah in Soomaaliya ay ka hirgaliwayso dowlad wanaagsan oo waajibkeeda kasoo dhalaasha.
Sidee looga Gudbikaraa arimahaas?.
waakan horee hadii umadu garato cadawgeeda oo fahamto in shisheeyuhu wax faa'iido ah u keenayn oo dadku is cafiyaan iimaankoodana sugtaan waa suurtogal in laga gudbo.
qodob kale waa in madaxda lagu doorto amaano iyo aqoon kadibna lasameeyo maxkamad dadka dhan ka saraysa oo ku ilaalisa madaxda in ay ku toosnaadaan wadada toosan
Isniin, September 10, 2012
Isniin, September 10, 2012
Isniin, September 10, 2012

Thursday, 16 July 2015

Puntland Ma Maamul Goboleed baa Mise Waa Dowlad la Siman Dowlada Federaalka Soomaaliyeed?
Inta badan Madaxda Puntland waxaa laga maqlaa hadalo u eg kuwa sheeko caruurta oo kale ah kuwaasoo aan u qalmin oraahyo siyaasadeed ama hadal uu yiri qof waaqici ah oo mas'uul sheeganaya yaan ararta kugu dheerayn.......faroolihii fudaydka badnaa ayaa hore u yiri "wafdiga dowlada federaalka ee Somaliland la wadahadlaya hadii aan Puntland ergo looga darin wixii kasoo baxo Puntland ma aqoonsano"........Yaab badanaa........C/wali Gaas ayaa ka fiican faroole oo waa Dr. ayay dheheen isna wuu ka darayoo wuxuu yiri "Gudiyada Qaranka ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha oo ay xukuumadu soo gudbisay baarlamaankuna ansixiyay Madaxweynuhuna saxiixay ee lagusoo saaray faafinta rasmiga ah ayuu Dr.
C/waligii yiri Ma aqoonsani Gudiyadaas Qaran"...............anigu waa la yaabaye adigu ma ila yaabtay...............9 beelood oo Soomaaliyeed Maamul ay dhisteen ayuu Dr. C/wali yiri Ma aqoonsani Maamulka ay dhisteen............. waa yaabka yaabkiis aqriste ogoow Madaxda Puntland ayaa shisheeyaha kula shirkoobay in soomaaliya la qayb qaybiyo oo federaal laga dhigo......hadana iyagaa cabaadka bilaabay, nimanku intay u socdaan ma aqoonxumo siyaasadeed ayaa halkaa gaysay mise cadownimo ku fogaatay ayaysan raali ka ahayn nabada iyo horumarka dalka?
Su'aalahaas iyo kuwo badan ayaan is weydiiyay in ay ku xambaartay hadaladaas laakiin jawaabta waxaan ku gaabsaday in dadka hogaamiya puntland ay yihiin dad isku darsaday Jaahilnimo, Cunsuriyad iyo Cadaawad.
laakiin waxaan lee yahay dadkiina ha usoo jiidina in ay bada cas u qaxaan oo colaad ha u abuurina.
si kastooy ahaataba waan ku kalsoonahay dadka dega Gobolada dhexe in ay af iyo adinba isku difaaci karaan oo ari hogays (PUNTLAND) iyo wax la mid ah aysan ujoojinayn ee Madaxda Dowlada federaalka waxaan kula talinayaa in ay runta u sheegaan nimankaas habowsan oo ay dawgooda mariyaan maadaama ay xubno ku lee yihiin dowlada federaalka hadana ay feer ordayaan Dowladii dhexe iyo oo maamul goboleed ah.

Friday, 15 May 2015

Naagaha Qurxoon oo la ogaaday in ayka dabeecad iyo dadla dhaqan fiican yihiin Naagaha aan Qurxoonayn

Cilmi baaris qaadatay mudo 32 sano ah oo uu sameeyay machad ku yaala dalka Malesiya ayaa lagu ogaaday in naagaha qurxoon ay ka daceecad iyo dad la dhaqan wanaagsan yihiin naagaha aan qurxoonayn. arintaan oo lagu ciladeeyay shaki iyo cuqdad ay qabaan naagaha aan qurxoonayn ayay cilmi baaristu lee dahay ayaa sabab u ah in gabadha aan qirxoonayn ay dadka oo dhan cadaawaysato oo si qalafsanaan ah ula dhaqanto maadaama y tabayso in ay dadku wax dheer yihiin hase yeeshee waxaa xaqiiqo ah in quruxda aan leesku raacsanayn caalamka balse ay jirto muuqaal ay dadkoo dhan wada jeclaystaan makii la arko sida gabar dheer oo dhexyar indho kuuskuusan leh san dheer oo ay ka hooseeyaan bushimo yar yar intaas gabar kulansatay markii ay dadku wada arkaan waxay u qiraan qurux.
ninkale ooisna quruxda sifeeyay wuxuu yiri ha gaabanaato hana guduudnaato intaas ayuu isagu quruxda kusoo koobay, waxaase igusoo dhacay gabay uu abwaan somaliyed ka tiriyay quurxda gabadha wuxuu yiri dhildhilada gacmaha shanshada dhumucda loo yeelay dhubadqaadka timaha haldhaa dhalanki moodayso isna intaas ayuu kusoo koobay si kastaba ha ahaatee quruxdu waa shay uu aadanuhu wada jecel yahay hadana uusan isku raacsanayn.
hadii aan dhanka kale ka eegno dabeecada iyo dad la dhaqanka waa ruux ilaahay uu dadka ku beeray taasoo la jaan qaada bii'ada iyo dadka uu qofkaasi lasoo dhaqmay oo saamayn xoogan ku yeelata waxaase iyana doorkeeda leh tarbiyada waalidka uu siiyo gabadhiisa taaso toosisa ama qaloocisa aqlaaqda gabadha waxku oolna ka dhigikarta dabeecadeeda ama dadla dhaqankeeda.
markii ay gabadhu qaangaarto oo ay reer yeelato waxa ugu muhiimsan oo dabeecadeeda xakamaynkara waxaa ugu horeeya Diinteeda taasoo wadada toosan ku rida haday aqoon iyo iimaan leedahay, habada waxaan dhihi lahaa dabeecada iyo quruxdu waa Diin ee hablayahow Diinta islaamka barta oo ku dhaqma

Wednesday, 15 April 2015

Cadaadooy Xaal Qaadoo Martidaada Xaq-dhowr

Tan iyo markii la carab dhabay in maamul loo sameeyo gobolada dhexe waxaa fooda lasoo baxayay qilaaf qilaafkaas ayaa isna u muuqday in aan si dhab ah loo xalin, hortiiba waxaa kulamay sadex maamul oo dhulka ay sheeganayaan in ay ka taliyaan aan dhab ahaantii gacanta kuwada hayn marka dhanka kale laga eegana u muuqda sadex qabiil oo ka mid ah dhowr iyo tobanka qabiil ee xaqa u leh in laga talogaliyo maamulka, hadaan ku xasuusiyo aqriste maamuladaasi waxay kala yihiin GAL-MUDUG, XIMAN IYO XEEB , iyo AHLU SUNNA, sadexdooda oo waliba ay AHLU SUNNA isku raacsanayan ayaa dowladu shir u qabatay qacdii horeba waxaa shirka ka booday oo diiday in ay qodobadii soo baxay saxiixaan maamulka XIMAN iyo XEEB iyagoo u arkayay in aysan wax dan ah ugu jirin, hase yeeshee waala wacay waxaana lagu qanciyay in ay waxka saxiixaan wixii lagu qanciyay lama sheegin waxaase lagu dhawaaqay in shirka maamul u samaynta gonolada dhexe lagu qabto Cadaado taasoo qosol ay jaanta la rogeen maamulka XIMAN iyo XEEB ogow qabiiladii kale lama wicin lagamana talo galin.
Iyadoo xaal halkaas marayo ayaa sagaal Qabiil oo ahaa qabiiladii aan shirkaas laga qaybgalin kana mid ah qabaa'ilada daga gobolada dhexe waxay shir wada tashi ah isugu yimaadeen Muqdisho waxayna go'aansadeen in shir dib u heshiisiin ah ay ku qabtaan magaalada Dhuusamareeb, markii uu shirkaas dib u heshiisiinta ah soo dhamaaday ayay ergooyinkii shirka iyo Ugaasyadii markale go'aansadeen in Dhuusamareeb lagu qabto shirka siyaasada ee maamulka loogu samaynayo gobolada dhexe, hase yeeshee waxaa taas ka biyo diiday sadexdii maamul ee saxiixay heshiiskii madaxtooyada hase yeeshee isjiijiitan kadib madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa soo kala dhexgalay isagoo go'aansaday in cadaado lagu qabto shirka maadaama uu horay u shaaciyay Dhuusamarebna ay noqoto Caasimada maamulka, ilaa iminka waxaa caqabadi hortaagan tahay furitaanka shirka xili uu Madaxweyne Xasan Sh, u joogo Cadaado furitaanka shirka, Caqabada taagan ayaa ah in reer cadaado aysan wali aqbalin in Dhuusamareen noqoto caasimada maamulka la dhisayo iyadoo taas lagu mashquulsan yahay ayaa hadana maamulka Cadaado waxay soo saareen go'aan ah in ergooyinka ka imaanaya Qabaa'ilada uu Qabiil walba shirka ku yimaado 20 xubnood oo kaliya taasoo keentay in maanta uu shirka ka laabto qabiilka daga waqiiyiga Galgaduud (Mareexaan) kadib markii lagu wargaliyay in aysan shirka ku imaankarin wax ka badan 20 ergo xili ay Dhuusamareeb kasoo ambabexeen iyagoo gaaraya wax ka badan 200 ergo oo ah ergadii iyo Ugaasyadii uga qaybgalay shirkii dhuusamareeb ee dib u heshiisiinta.
Hadaan iskusoo wada duuduubo reer Cadaado waxdoonis iyo wax diidis haysku darin ee dadka martida ah soo dhawee

Thursday, 26 March 2015

Ma Rabtaa Cudurka Aids-ka oo Beec ah?

Ha ila yaabin oo ciwaanka maqaalku yuusan kula fogaan maxaa yeelay suuqgaynta hada ka socota aduunka way casriyoowday oo fikrado badan ayaa dhalatay oo badeecooyinka lagu suuq geeyo, cudurada qaar si bareer ah ayaa sida badeecadaha iyo wax soosaarka warshadaha loo beec geeyaa oo loo raadiyaa suuq waliba loo sameeyaa xayeesiin. hadaba waxaa waayadan Muqdisho ka hana qaaday Hoteelo waawayn oo aad u bilicsan kuwaasoo ka qaybqaatay bilicdii iyo horumarkii caasimada hase yeeshee waxaa feer socda kuwo kale oo habeenkii lagu caweeyo oo ilaa waabarigii lagu sharaabo waxaana hoteeladaas laga helikaraa nooc walba oo balwad ah waxaa kaliya oo kaa xiga in aad lacag kayar $7 USD dhiibto oo horay u gasho waxaad helaysaa balwad kasta oo aad dalbato in aad qof dumar ah la wadaagtana waa dabeecada goobta, ogow Hoteelada Muqdisho koobka biyaha ama shaaha ah waa $1USD waxa kale ee aad cunaysidna waa kasii qaalisan yihiin, hase yeeshee hoteeladan marka labarbardhigo kuwo kale waxaa la dhihikaraa waa lacag la'aan maciishadooda maxaa yeelay qofkasta ayaa ku dhiirankara, lacagta yar ee albaabka lagu dhaafayana waa doqoni magarato loo tusinayo dadka in meesha lacag lagu galo.

markaad lacagtaas yar dhiibto oo gudaha ugasho waxaad arkaysaa koox musik tumaysa oo caawoo dhan kuu heesaya kabalyeeriyaal aad loo carbiyay oo dhago fudub oo wixii aad u dirsato si fudud kuugu keenaya, hadii aad tahay rag way sahlan tahay in aad qof dumar ah hesho oo waliba waxaa kasii daran hadii aad isfahamtaa waxaa laguugu deeqayaa goob aad ku rafataan, waxaa iswaydiin leh yaa kabaya qarashka ku baxaya hoteeladaas? maxayse tahay ujeedada laga lee yahay maalgalinta fisqigaas?............................baaritaan iyo xuuraansi badan oo aan sameeyay kadib waxaan ku ogaaday in hay'ad qarsoodi ah ay lacag ku bixiso oo kabto iyadoo walwaalaysa Cudurka Aids-ka waxayna taas usii marsiiyaan dad qaba cudurka Aids-ka oo ka yimid dalalka UGANDA, KENYA iyo SOUTH-AFRICA oo qaba cudurka Aids-ka oo rag iyo dumar isugu jira ayaa habeen walba yimaada kuwaas oo is dhexgal ku sameeya dhalinyaro yar yar oo shacwadu ay horkacayso, sidaas darteed hoteeladaas waxay noqdeen suuq lagu iibiyo Aids-ka waana arin qatar ah oo bulshada kusoo fool leh waxaana haboon in si wadajir ah looga hortago, waxaase arintaas waajibka koowaad uukasaaran yahay Dowlada in ay arintaas soo faragaliso oo go'aan ka gaarto maxaa yeelay caafimaadka ka sokow waa arin xataa amaanka wax u dhibikarta.  

sidaa darteed ruuxii Aids beeca raba hoteeladaas ha aado

F.G. haday arintaas sii socoto waxaan xusi doonaa hoteeladaas magacyadooda

Saturday, 21 March 2015

Caamo Qaldantay Culumaa Toosisa Culumo Qaldantayna Cadaabaa Toosiya.

Ilaahoow adigaan kaa magangalnay cadaabkaada daran ee kulaylka badan Ilaahoow naga badbaadi waa duco qiimo badan waxaan ka bartay Culumada Diinta Islaamka ku xeel dheer waliba waxaan kaloo ka bartay in cadaabka Allaah looga badbaado iyadoo laga dheeraado wax Alla wixii uu Ilaahay xaaraatinimeeyay kadibna la raaco wixii uu ku faray oo ay ugu horeeyaan in lala yimaado waajibaadka uu Allaah Adoonadiisa dul saaray......ilaahoow culumadeena u dambi dhaaf waa duco ay xaq noogu lee yihiin maadaama ay yihiin kuwii dhaxlay Ambiyadii Allaah kuwaasoo ka dhaxlay dhiinta Islaamka ee muqadaska ah... hadaba iyagoo booskaas iyo maqaamkaas jooga dadkana indhohoodii ah wanaagana looga dayanayay hadii ay iyagu noqdaan kuwo sharwadayaal ah oo umada uga horeeya sharta sow arin yaab leh ma ahan.
Hadaan usoo daadago dulucda maqaalkayga bilowgii todobaatameeyadii waxaa dalka ka hana qaaday dhalinyaro wax kusoo bartay Jaamada Madiina Al-munwara kuwaas oo dadka aad u fahamsiiyay Towxiidka iyo Sunada Nabiga SCW. hase yeeshee wixii intaas ka horeeyay waxaa dalka culumo u ahaa dariiqooyinka Suufiyada runtii aad ayay u dadaaleen dhanka barida quraanka kariimka iyo axkaamta waloo qaybo badan oo ka mid ah ay qalaad badan oo bidco ah galeen iskusoo wada duub dhamaantood waa culumo dadaashay, soomaalidu waa Ahlu Sunno xili dhawayd ayaa waxaa dalka ka hana qaaday jabhad la baxday Ahlu Suno kuwaasoo dagaalo badan galay kuwoodii ugu xooga badnaa waxaa saldhig u ahaa Magaalada Guriceel hase yeeshee waxay weesadu ka burtay markii ay umadu go'aansatay in ay nidaam samaysato oo waliba aad u balaaran kaasoo kulminaya gobolada Galgaduud iyo Mudug culumadaas Ahlu Suna isku magacaabay intii ugu muhiin sabeed iyo ciidamo faro badan oo ay wataan waxay go'aansadeen in ay ka qaybqaataan maamulka cusub ee la dhisayo hase yeeshe qaar tiro yar ayaa ka falaagoobay kuwaasoo go'aansaday in ay magaaladii nabada ku naaloonaysay dagaal ka ridaan oo maatidii qixiyaan balaayo wax u hiiliya ma waydee calooshood u shaqaystayaal reer baadiye ah inta lacag soosiiyaan sidaa magaaladii lagu kala qoxo ogoq ni culumo ah ayaa hor boodaya isagoo leh anagu jihaad ayaan ku jirnaa.
Kheyr Allaha siiyo caalimka wayn ee sheekh Maxamed Jaamac yare ayaa runta u sheegay hase yeeshee waxay ugu jawaabeen sheekh wuu ridoobay haduuba kuwaas muslimiin ku tilmaamayo.... hadaba waxaan dhihi karaa oo aan arinta ku tilmaami karaa caamo qaldantay culumaa toosisa culumo qaldantayna cadaabaa toosiya

Tuesday, 17 March 2015

Yaa ka Masuul ah Qaraxyadii 2009 Hotel Shamoow iyo 2011 Hargaha iyo Saamaha?

Dhawac Qaraxii ka dhacay Hotel Shamow
Diseemabr 2009-kii Hotel Shamoow xasuuqbaa ka dhacay kaas oo loo gaystay bulshada indhaheedii iyo aqoonteedii waxaa lagu xasuuqay Dhaqaatiir, Macalimiin, Aqoonyahan aan xisaab laheyn iyo Dhaqaatiir curdun ah oo maalintaas qaadanayay shahaada koowaad ee dhaqtarnimada 5 sano iyo dheeraad oo ay waxsoo baranayeen kadib, Ninka hagardaamadan xanuunka badan ee ka dhalatay xasuuqaas waa Sakariye Ismaciil Xirsi, bal qiyaas arday shan sano oo wadan colaad iyo dagaal uu ka jiro waxku bartay oo waqti iyo lacag fara badan ku bixiyay maalintii noloshiisa ugu farxada badnayd hadii la qarxiyo ka waran muxuu dareemayaa?  kabasii darane hadii ninkii maleegay mudo kadib inta lasoo qabtay uu camirto ka waran in aan is dhiibo ayaan damacsanaa sidaana inta labada daan laga dhunkado lasoo dhaweeyo maamuus iyo lacagna leeskugu daro oo waliba lagu daro saraakiisa ka shaqaynaysa amaanka wadanka lagu daro..........bulshooy waxaad sugto adaa OG.
Waa Maydadkii Qaraxii Hargaha iyo saamaha
Kabasii darane Sakariye wuxuu markale maleegay oo qorsheeyay qaraxii asna calool xumada iyo murugada reebay ee caruurta iskuulayda ah lagu xasuuqay Oktobar 04 2011 xaruntii hargaha iyo saamaha inta la xaqiijiyay waxaa lagu xasuuqay in ka badan 70 dhaawaca waa tiro beelay, hadaba ninkii maleegay dabinkaas cadowtinimada ah aqriste muxuu kaa mudan yahay..                           Bulshooy waxaad sugto adaa OG. 
hadaad yaabtay tankalaa kasii daran ninkii u xilsaarnaa maxaabiista la xukumo iyo kuwa ay dacwadoodu socoto oo maxkamadi xalaalaysay in uu xabsiga kusii hayo ayaa bari dhexdaas ah bilaabay in uu maxaabiista iibsado kii lacag looga keeno in kabadan 15 dambiile oo ay maxkamadi ku xukuntay dil ayuu iibsaday, xabsi daa'in iyo sanado badan kuwo lagu xukumay ayuu gatay intaas kadib maxkamada milatariga oo dabagashay ayaa dambi ku heshay markuu ogaaday ayuu baxsaday isagoo maqan ayay maxkamadii xukun ku riday, dhagarqabe Gen/ Cabdi Maxamed Ismaciil isagoo dhuudhuumanaya ayaa lasoo qabtay dadkii maqlay aad ayaa loogu farxay oo kalsooni loo muujiyay ciidamada iyo maxkamada hase yeeshee maalmo kadib ayaa xabsiga lagasii daayay oo waliba darajadii ay maxkamadu ka dhigtayna uu kusoo labistay isagoo sheegay in uu diyaar u yahay in xil kale hadii loo magacaabo in uu qabanayo maxkamadu wayka mamnuucday in uu xil dambe qabto.....waxaasoo dhan ka kaalay madaxweyaha ayaa intuu sii daayay waliba duco ugu daray ALLAHA KU CAAFIYO.....................Iskusoo wada duuboo yaa qaraxyada iyo is miidaaminta ka dambeeya, ma ninkii is qarxiyay? ma kii usoo dhiibay? ma taliyihii xansiga kasii daayay? ma kii taliyaha sii daayay markii la xiray? .................................... Bulshooy waxaad sugto adaa OG.

waxaan anigu ku sifeynkaraa 

Col ku dhacyoo Tuugo kuu Ciidamisay

Sunday, 15 March 2015

Maxaa Lagu haystaa Sh.Xasan Daahir Aweys?

Capture.JPGdTan iyo markii uu  Sh.Xasan Daahir Aweys iskiis ugasoo goostay Ururka A-Shabaab waxa uu ahaa maxbuus aan marna helin xoriyad iyo cadaalad, waxaana kolba mar lagu xirayay Xabsiyo kala duwan oo ay leedahay hay'ada Nabad sugida soomaaliyeed, tiiyoo ay u dheerayd in mar marka qaar loo diido xuquuqda ay maxaabiistu lee yihiin oo ah in ehelkiisu soo booqdo walow mar dambe loo ogolaaday waqtiyo kookooban, hadii aan wax yar milicsano Sh.xasan daahir iyo Al-shabaab, marwalba waxa uu ku qilaafsanaa sida ay u wajahayaan arimha somaliya iyo dagaalkaba hase yeeshee laba daran mid dooro ayaa ku kalifay in uu ururkiisii xisbul Islaam ku biiriyo Al-shabaab isagoo is lahaa markaad ka mid noqoto armaad saxdaa qaladkooda hase yeehsee ma dhicin taas oo xitaa wuxuu gaaray in uu si fagaare ah isagoo Al-shabaab dhex jooga in uu qaladkooda sheego kuna canaanto uguna baaqo in ay iska dhaafaan dilka shacabka soomaaliyeed, dagaalkana ay ku ekeeyaan ciidamada shisheeye ee sooduulay iyo kuwa somalida ah ee barbar taagan hase yeeshee ay nabadgaliyaan dadka somaliyeed, majirin qof intaas ku dhiiraday hortiis ama gadaashiisba hase yeeshee taasi waxay keentay in uu kasoo goosto markii uu ka samray Al-shabaab inaysan wanaag rabin oo ay kusocdaan fikrado shisheeye, kadaroo dibi dhal, hase yeeshee ninkii  sidaas sameeyay dadka intiisa wanaaga jecel waxay filayeen i dowladu soo dhawayso si dad badan oo Al-shaab ku jira ay ugu dhiiradaan in ay kasoo goostaan balse ma dhicin taas.
Aqriste aan ku xasuusiyo waxaa dowlada agteeda ka sharfan oo lacag iyo darajo laysugu daray rag madaxooda lacaShiikh maxamed siciid Atamg lagu goobayay jariimooyin badana geystay oo kasoo goostay Al-shabaab kadib markii laga qaaday xilalkii ay hayeen tusaale ahaan:- Shiikh maxamed Siciid Atam wuxuu Al-shabaab kasoo goostay afar bilood kadib markii laga qaaday xilkii uu hayay waliba markii uu Muqdisho yimid wuxuu yiri "Hogaankii ururka ayaa qaldamay"  ee afkiisa lagama hayo Al-shabaab afkaartooda ayaa qaldan, intaas badalkeeda Dowladu waxay ugu badashay Guri gaadiid iyo lacag, waxaa kale oo tusaale ah Sakariye Ismaciil Xirsi oo madax u ahaa Amniyaadka iyo kooxda miinada dhigta ayaa isna Sanad kadib markii xilka laga qaaday isagoo ku dhuumanaya Ceelwaaq ay ciidamada milatariga dowladu soo qabteen, Untitledhase yeeshee waxaa durba ka daba yimid rag ay xigto yihiin oo dowlada ku jira kuwaasoo ku dooday in uu damacsanaa in uu isasoo dhiibo taasoo aaqirkii ay ku qanacday dowladu halkaana uu ku helay soo dhaweyn sharfan darajo iyo lacag maantyana uu ka mid yahay saraakiisa sar sare ee amaanka u qaanilsan dowlada, Aqriste ogow hagardaamooyinkii uu Sakariye maleegay waxaa ugu xanuun badanaa Qaraxii Hotel shamoow iyo kii hargaha iyo saamaha, wixii labadaas hotel ka dhacay waa lawada og yahay, si kastaba ha ahaatee arintani waxaan dhihi karnaa Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa dayacay xubnaha ay isku haybta yihiin ee ku jira Dowlada kuwaas oo markii horeba soo shirqoolay iyadoo qaarkoodna lasheegay in ay dhaqaale ku qaateen,  

Wednesday, 11 March 2015

Soomaaliyeey Xoolo Raacatonimada Joojiye Xoolo Dhaqato Noqo

Oday Faarax waa reer wuxuu lee yahay Geel aad u tiro badan Geeliisa waxaa daajiya sadex qowsaar iyo wiil kuray ah isagu waxa uu ku nool yahay tuulada hase yeeshee Geeliisa uusan manaafaacd badan ku qabin milkigiisa mooyee wuxuu daaqaa meel aad uga fog oo daaqsin leh Geela Oday Faarax marna waala dhacaa marna Qowsaarada ayaa dhiig u daadiya taaso Oday Faarax ka dhigtay nin Gar u joog ah waqti walba ileen waa mar isaga laga sido iyo mar wax lagu tabayee, oday Faarax oo kaliya ma ahan ee Soomalida xoolaha Nool leh gaar ahaan Geela ayaa intooda badan dhibaatadan oo kale haysataa waxay kulansadaan iyagoo gaajaysan in ay Geela daba galaan oo meeshii Naq iyo biyo lagu sheego ay Geela u kaxeeyaan masaafo kasta ha jirtee iyo in ay marmar la kulmaan dil iyo dhac Geela laga dhoco taasoo aaqirkii u xuubsiibata dagaal laba qabiil oo uu dhiig badani ku daato, Hadaba noloshaas dhankasta ciriiriga ka ah faa'iido badana aan lagu qabin sow kama haboona in Xoolo raacatonimada lagu badalo xoolo dhaqato si loo helo faa'iidada uu ALLAAH S.W. noo galiyay xoolaha gaar ahaa geela si loo gaaro Xoolo Dhaqato waxaa loo baahan yahay inn Xoolaha lagu xareeyo xerooyin aan ka fogeyn magaalooyinka ama tuulooyinka halkaasna loogu diyaariyo Calafkii iyo biyihii si xoolihii iyo Qowsaarkii ay labaduba u nastaan dil iyo dhacna uga nabadgalaan, markaas waxaa lagu talaabsan karaa in lasameeyo seero lagu abuuro Daaq kadibna laga guro oo la kaydiyo inta ay xooluhu cunaan mooyee si loogu gudbo xiliga Jiilaalka. 
Waxaa markaas soo baxaya caano faro badan iyo suuq loo iibgeeyo maadaama ay xooluhu ay ka ag dhow yihiin Magaalooyinka, sidaana uu milkiilihii Geela ku helayo lacag faro badan oo uu ku dabaro baahida reerkiisa.
Hadaba Soomaalidu waxay inta badan isku dishaa Daaqsinta iyo biyaha gala Waraha hase yeeshee hadii midba geeliisa xaraysto oo halkaas calaf iyo biyo ugu geeyo ugu yaraan waa kala nabadgalayaa.
Dhanka kale waxaan Hambalyo lee yahay oo way fahmeen wayna ku faa'iideen orankaraa raga abaabulay xeryaha Geela ee ku teedsan wadada isku xirta Muqdisho iyo Ceelasha, kuwaasoo caanaha ay soosaaraan u iibgeeya Muqdisho, halkudhigoodu    Waa Caano Geel Oo Saafi ah runtiina si aad ah ayaa looga iibsadaa, taasina waa mida keentay in dad badan oo aan xoolo lahayni ay ku dhiiradaan in ay Geel soo iibsadaan oo sidaa xoolo dhaqato ku noqdaan.
Hadaba Soomaalida xoolo raacatada aheey hurdada ka kacoo xoolo dhaqato noqda
Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka
Dhoor caano laga soo lisoo yara dhanaanaaday
Nin dhadhamiyey wuu garanayaa dhul ay qaboojaane
Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele

Monday, 9 March 2015

Maxaa laga Dhaxlay dagaalkii Guriceel?

Waan Aqaan Guriceel waa magaalo Nabadeed waa magaalo ganacsi waa magaalo deegaankeedu uu sii fidayo maalin walba waxaa lagu kala gataa boos hor leh ama Guri, dhismaha guryuhu waa joogto suuqa gacansigu wuu sii fidayaa guryaha ku yaala suuqa ganacsiga waxay qaarkood la qiime eg yihiin kuwa Muqdisho waana taas mida soo jiidatay dad ka yimid deegaano ka fog Guriceel waa magaalo aan Qofka Soomaaliga ahi laga faquuqin , waa magaalo ay nabadeeda ka shaqeeyeen Odayaasha dhaqanka oo ay marwalba gacata ku hayaan.
Dagaalkii ay magaaladu la gashay Al-shabaab waxay si aan kala har laheyn isku hortaagtay in ururka Al-shabaab uu qabsado magaalooyinka ku hareeraysan Guriceel waxayna aheyd Gurmad meel kasta oo shabaab soo weeraro aada iyadoo kaashanaysa magaalooyinka Dhuusamareeb, cabudwaaq, iyo Xeraale, hase yeeshee Gurceel waxay aheyd cududa ay ku tashadaan Magaalooyinkaasi, inkastoo dhamaan dadweynaha dagan Guriceel ay dagaalka Al-shabaab u hureen naf iyo maalba iyagoo aan heysann taageerada AMISOM ama Dowlada Federaalka Soomaaliaya, hadana dagaalka waxaa siyaasad ahaan hogaaminayay culumada suufiyada oo dhisay urur ay ugu magacdareen Ahlu suna wal jamaaca.
Magaaladii Nabadaas iyo barwaaqadaas ku naaloonaysay xili magaalooyinka soomaaliya qaraxyo iyo dilal qorshaysan ay Al-shabaab ka fuliyaan ayaa nasiibdaro ay isku herdiyeen laba kooxood oo aan wax maslaxad ah u hayn taasoo keentay in dadkii reer Guriceel ay qaxaan oo cadceeda maalmeed iyo qabowga habeenkii ay wehel u noqdaan iyadoo hooyo lagu qalay laba canug oo mataanno ah maalintii xigtay aysoo qaxday oo qurac hoostiis fariisatay, halka oday idhoole ah oo aan gargaar haysan qurac hoos jiiftay, 
hase yeeshee kooxihii dagaalamayay oo aysan ujeedadoodu cadeyn balse magacyo maamul kala sheeganayay ayaa ugu dambayntii ay dowlada cadowga Soomaaliyeed ee soojireenka ah waa itoobiyee ay ciidamadeedu la wareegeen magaaladii iyagoo ku amray kooxihii dagaalamayay in ay isaga huleelaan magaalada halkaasna ay shacankii nabadii ay ku waayeen kuwii soomaalida ahaa ayka heleen cadowga soojireenka ah sidaa darteed waxaa la dhihikaraa labada kooxba isma dagaaleyne waxay u gogol xaarayeen sidii itoobiya dhulka ku qabsan laheyd taasna way dhacday ee Ilaahayoow shabacka reer Guriceel u hiili.

Wednesday, 4 March 2015

Hooyo Macaan Waa Hoygii Naxariista

Uurka ku Qaadistaadii Oogada Hooyo ku Xambaaristaadii

Sida ku cad Axaadiista Rasuulullaahi Muxamed N.N.K.H. Hooyadu waxay owlaadeeda ku leedahay xaq sadex jeer ah marka afaraad ayuu Aabuhu lee yahay taasi waxay daliil cad u tahay muhiimada iyo qiimaha ay hooyadu leedahay, Jannada qiimaha badan ayuusan galayn qof aysan hooyadiis raali ka aheyn taasna waa qiimo aad u sareeya oo ay Hooyadu leedahay, hadaba markaan eegno dhibaatada ay hooyadu ka marto dhalaankeeda ma ahan wax hal maqaal lagusoo koobikaro laakiin waxaynu eegaynaa qaar kamid ah:-
Hooyadu markii ay ilmo caloosheeda galaan ayaa dhib, daal, xanuun dhamaantiis u bilowdaa ilaa ay ka dhasho waxay mudo sagaal bilood ah habeen iyo maalinba la tiicdaa ilmahaa caloosheeda ku jira kaba sii darane waxaa beentaa yiraahda markii dhalmadu soo dhawaato oo ay fooshu qabato xanuun wixii aduunka yaalay ayaa laysugu wada keenaa ilaa ayka hamiso in ilaahay waxaan hal mar soodhaafiyo dhagaxba Allaha ka dhigee lakin markii ay umusho ayaa waa Hooyee isla markiiba Ilaahay Qalbigeeda ku ridaa Jaceyl kadibna ay ku qalbi qabowsataa ubadkii ay dhashay oo ay aragtidiisana indhaha ku buursataa, farxad iyo rayn rayn ayaa maalintaas u bilowda waxayse daalaa dhac iyo dhafar aan kala go' laheyni u bilowdaa maalintii uu xanuunsado canugeedii ogow Aabihii reerku hurdadiisa ayaa u dheer Hooyana iyada iyo hurdo way is daayeenoo muluqii ay dhashay ayayla kurboonaysaa hurdana wayka haajirtay.
Intaas oo kaliya ma ahan dhibaatada ay marto Hooyo Macaan ee waxaa usii dheer in aysa waxba quudan inta ay waxka siinayso ilma yarowgeeda iyadoo ay dhicikarto cuno ama cabitaan ay u baahan tahay in ay ilmaheeda siiso iyagoon dareensanayna ayka laastaan kadibna weelkii ayku cuneen inta haraanti lagusoo qaado agteeda lagusoo tuuro iyana intay weelka haabato ku tiraahdo waryaa edab ma lihidiine aayar fariista kadibna iyadoo gaajaysan ay weelkeeda dhaqato.
Midkalena way caadaysatay Hooyo Macaan markasta oo ay Muluqeeda wax siinayso iyadoon ka dhadhamin ma siiso taasoo muujinaysa in ay nafteeda ku furanayso mida canugeeda oo ay si dabiici ah u doorbidayso hadii Cunadaas iyo Cabitaankaasi wax yeelo leeyihiin ay iyada ku dhacaan inta canugeeda ay ku dhicilahaayeen.
iskusoo wada duub hooyo Macaan xuquuqdeeda balaaran waxaa abaal marinteeda aan u baryaynaa in uu Ilaahay ku abaalmario Jannatul fardowso.

Monday, 2 March 2015

Roonaa Rabbaa Og

Booqashada wasiirka Gaashaandhigga Gen/ C/qaadir Sheekh Cali Diini ee uu ku tagay Guriceel waxaa lagu sheegay dhexdhexaadin laba dhinac oo halkaas ku diriray ogoobeey dhinac ka mid ah waa ciidamada uu isagu xukumo lakin somalidu waligeed xeer jajabka ayay sharciga ka jeceshahaye ninku waxa uu iska dhigay dhexdhexaad kuwii uu u tagayna waxay u arkaan dhexdhexaad ilaa hada waa faa'iido marka la eego gabadha lagusoo qalay labada canug ee mataanaha ah ee quraca hoos jiifta iyada iyo caruurteeda oo aan haysan biyo nadiif ah iyo odayga da'da ah ee indhoolaha ah ee quraca hoos jiifa iyo maatida tirada badan ee dhamaantood xabad ka cararka ah hadii socdaalka wasiirka ah ku helaan jawi ay uga nafisaan xabada. laakiin marka dhinac siyaasada laga eego waxay muujinaysaa siyaasad xumida dowlada iyo hadaf la'aanta ururka Ahlu suna maxaa yeelay waxaa ukala dab qaadaya ninka madaxda ka ah ciidamada dagaalamaya oo waajibkiisu ahaa in uu ciidamada ku howlgaliyo amarka dowlada iyo in uu u hogaansamo siyaasada dowlada markaanse wuxuu keenikaraa oraah taas ka gadisan oo uu wasiirku u bareero isagoo qancinaya Ahlu suno markaasna uu ku dhawaaqo in ciidamada dowladu qaldameen waa macquul, dhanka kale kooxdan wadaadada ah ee aan lahayn siyaasada cad waaku dhabar jab oo waxay iyagoo hubaysan hareeraha ka socdaan wasiirkii gaashaandhiga
u qaabilsanaa dowlada ay la dagaalamayaan oo dhiiga badan darteed maatada uga daadiyeen una qixiyeen waa dibir siyaasadeed oo ku dhacday Ahlu suno maxaa yeelay kaamaradu waxay qabanaysaa wasiirkii gaashaandhiga oo dhex socda maleeshiyaadkii dagaalamayay macnuhu waa labadoodaba anigaa xukuma waxayna taasi sii xoojinaysaa hadalkii madaxweyne xasan shiiq ee ahaa waxa ciidamada la dagaalamaya ma ahan ahlu suno ee waa maeeshiyaad fowdo wada iskusoo wada duub, waxa cuqaal, waxgarad, ganacsato oo dhamaantood kasoo jeeda deegaanka lagu dagaalamayo ayaa u caal waayeen in ay xal ka keenaan hadiise uu wasiirku ku guulayso in uu xalio mashaakilkaas Rag dheh. ............................Roonaa Rabbaa Oge.........................................

Sunday, 1 March 2015

Jaceylka Daacada ah Maduugoobo

Marka lasoo hadal qaado ereyga Jaceyl waa hubaal in ruuxii uu maalin xataa soomaray in uu dib u gocasho galayo ruuxii diloodee daaqada ka tuurayna iskaba daa balse waxaa faa'iido geegaaraaya ruuxii ruuxa uu jeclaa helee la jalbeebsada casirkii cishiina la caweeya, kaasi waa bashbash iyo baraaree bogaga jaceylka kuma badnee waxay balaayo hoodi tiri ruuxii qofkii uu jeclaa seegay oo ay ku adkaatay in uu qalbigiisa kasaaro waliba sanado badan, markii aan u fiirsaday dad badan oo arintaasina haysata aan la sheekaystay waxaa ii soo baxay jaceylka daacada ah in uusan baabi'in si kasta oo labada qof isku seegaan, maxaa yeelay jaceylku qalbiga ayuu saldhig ka dhigtaa qofka bini'aadamka ahna qalbigiisa ma maalmulo oo wuxuu jeclaado kama jeedinkaro sidaa darteed ayuusan u iloobikarin ruuxii uu jeclaa.

Tusaale ahaan waxaa dhacda in ruuxu soo xasuusto ruuxii uu jeclaa oo uu daqiiqado ama wax ka badan noqdo maqane jooge, waxaa mar mar kale dhacda isagoo lamaankiisii kale la joogo in uu soo xasuusto jaceylkiisii hore markaasna ay kasoo fakato magaca jaceylkiisii hore arimahani rag iyo dumar kalama lahan, waxaase taas kasii daran in xiliga kulanka sariirta uu mar mar moodo qofkii in uu la cawaynayo jaceylkiisii hore.
habada dhalinyarooy haku ciyaarina jaceylka oo halagu dadaalo sidii natiijo laaga dhalin lahaa maxaa yeelay kaligaa wax jecloow waa jahwareer is jeclaadana waa jano jano lagu daray ileen Jaceylka daacada ah maduugoobee.

Saturday, 28 February 2015

Dowlada oo dayacday doorkeedii Dib u Heshiisiinta

Lagasoo bilaabo sagaashameeyadii ilaa hada Soomaaliya wixii dowlad loo dhisay waxaa afka lagu balaarin jiray dib u heshiisiin taasoo la muujinayo in door ama ahmiyad gaar ah lasiinayo ayaa inta badan dowladihii lasoo yaqleelay waxay dhisi jireen Guddi heer qaran oo dib u heshiisiin oo madax banaan waxaa lake oo wasaarad gaar ah loo maseeyay dib u heshiisiinta taasoo laga garankaro qarada iyo culayska ay leedahay dib u heshiisiintu, runtiina way tahay ahmiyad gaar ah dib u shiisiinta maxaa yeelay doqladii soomaaliya waxaa baabi'iyay dagaal kadibna waxaa guud ahaan ka dhacay dalka dagaalo sokeeye, inkastoo inkastoo dowladihii kumeelgaarka ahaa ay qabteen shirar ay ku naaayseen dib u heshiisiinn hadana waxaa dhamaantood ka muuqday dhoolatus siyaasadeed iyo is muujin taasoo ka fogeyd xaqiiqda iyo culayska dib u heshiisiintu leedahay kadib natiijadii shirarkaasi wxay noqdeen is eed eed iyo cuqdad hor leh in ay dhalaan.
hadaan hoos u eego dulucda maqaalkayga Dowlada uu  UN-ku Aqoonsan yahay markii dhidibada loo taagay waxay madaxdeedu ku celceliyeen in ay dib u heshiisiintu tahay mid ka mid ah ahmiyadahooda safka hore ku jira laakiin taasi waxay noqotay hadal afka baarkiis ku eg maxaa yeelay ficil muuqda iyo kulan la mahdiyo oo culumo ka ducayso dad dirirsanaana sacabka laysku saaro ma aysan samayn.
 Odayaasha Dhaqanka gobolada dhexe ee jooga 
Shirka nabadaynta beelaha ee kasocda 
Dhuusa Mareeb

Hadaba Odayaasha Dhaqanka Dhuusa mareen oo uu hogaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Buur ayaa fidiyay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelaha wada daga gonolada Galgaduud iyo Mudug kuwaasoo soomaali badani aaminsan tahay mushkilada dagaalada sokeeye ee soomaaliya in ay qayb weyn ku lee yihiin beelahaas sidaas darteed dhamaan beelahalabadaas gobol ayaa aqbalay gogoshaas nabadeed waxayna si mas'uuliyadi ku jirto koox koox iyo raxan raxan u yimaadeen Dhuusa Mareeb dhamaan beelihii oo isgu jira Ugaasyo, Nabadoono, siyaasiyiin, cuqaal iyo haween halkaan waxaa ka furmay shirkii dib u heshiisinta beelaha gobolada dhexe, maalmo markii uu socday ayaa madaxweynaha isagoo xishoonaya gaaray madasha shirka runtii qudbad aad u macaan oo xiiso badan ayuu halkaas ka jeediyay hase yeeshee maalintii uu qudbada jeediyay iyo maanta hadii la eego cabashada odayaasha waxaa soo baxaysa in madaxweynuha socodkiisu ahaa qowda maqashii waxnna ha u qaban.
gabagabadii waxaan dhihi karaa dowladu waxay dayacday doorkeedii dib u heshiisiinta ee ha is bar qabato.

Saturday, 21 February 2015

Af Soomaaligu Waa Qani



Luuqadaha caalamaka waxay soo qaataan ereyo luuqado kale taasna waxay muujinaysaa in aysan luuqadaasi isku filnayn luuqadaha qaarna way baaba'aan laakiin Afka Somaliga waa af fac weyn laakiin aan si dhab ah loo baarin mudada uu jiro maxaa yeelay dadka ku hadla afka somaliga oo 75% reer guuraa ah hayeeshee af somaligu waa luuqad qani ah oo ku arki maysid eray dayn ah oo luuqad kale uu kasoo amaahanayo markaad eegto sal fadhiga luuqada sida gabayada shiribyada guuroowga buraanburka iyo maahmaayooyinka iyo qaybaha kale ee suugaanta kuma arkaysid erey day oo luuqad kale ka yimid sidaa darteed waxaan dhihi karaa luuqada somaliga waa luuqada kaliya ee luuqadaha caalamka an dfaynta laheyn.
si taas loo xoojiyo ayaa waxaa maanta Muqdisho isugu yimid madaxda inta af somaliga ku hadasha kuwooda xorta ah iyo kuwa la gumaysto oo itoobiya iyo kenya ay gumaystaan laakiin somali ah kuma hadla af somali waxaa la yagleelay xarun loogu magac daray Akadeemiyad Goboleedka Afka (AGA) taasoo ay dhagax dhigeen madaxweynayaasha Somalia iyo jabuti taasoo waxyen ka tari doonta kobcinta iyo bulaalinta afka somaliaga.

Cabdi Gaashaanle

Thursday, 19 February 2015

Isma Hurtooy Hays Haleyn

Meel lagu kala tago maleh, meel ay kala aado maleh meel ay aado maleh meel ay ka tagto maleh markaasay meesheeda aayar fadhi laga kari la' yahay...........waxaa suurtogal ah in aad ila yaabto tusaale yar ayaan ku siinayaa dad doon badweynta maraysa wada saaran hadii labo kamid ah dagaasho oo midi doonta oo alwaax ka samaysan dacal damco in uu ka fuqsado hadii inta kale indhaha ka fiirsato xagee lagu wada badbaadayaa.
Guriceel ayaa dagaal ka dhacay waa tuulo sanadadii lasoo dhaafay aad u kortay balse iminka waxay u qalantaa caasimad Gobol waxaa dagan dad isku abtirsiimo ah oo labo ama sadex oday kala tirsada waa wiil iyo ina adeerkiis waxaa la yiri waa dagaal u dhexeeya dowlada iyo ahlu sunna runtii waa been cad maxaa yeelay Guriceel ma xambaarikarto siyaasada wajiyo iyo dano badanka ah ee soomaaliya ka jirta ee shisheeyuhu basiinka la dabo taagan yahay iyo shisheeye kalkaalka soomaali sheeganaya  ee waxaa ku filan Guriceel in odayaashu fadhiistaan quracyadii harqaboobe oo halkaas ku caano cabaan kuna loogtaan hilibka kana taliyaan maslaxadooda iyo sidii guriceel oo nabad ah loogu wada noolaan lahaa Ugaaskuna ka duceeyo ee Guriceel dan uma ahan in mashruuc dagaal iyo dalaalnimo shisheeye inta la dulkeeno hadana gudi aan xaalkeeda aqoon iyo danleey siyaasadeen ka taliya la dhoho....aan soo koobo hadalka Guriceel dan uma ahan nin wakiil ka ah koox dan leey ah oo dadka kala soocaysa ee waxay dani ugu jirtaa in wadajir nabad loogu wada noolaado ee Isma hurtooy hays haleyn